Mario Balloteli ayaa markii ugu horay lasoo hadlay Madaxweynaha Iska leh Manchester City ee Sheekh Mansour oo ah Bilyaneer carbeed waxaana uu wijiga kasaaray Runta.
22 Jirkan oo AC Milan ugu biiray £19million bishii hore ayaa ka dalbaday inuusan ku dag dagin sheekha kooxda iska leh Casilaada Tababare Mancini.
Mancini ayay ka jajabantahay Sanadkan waxaana uu ka haray Champions league oo markii horaba Man City shaqo aysan ku laheyn Maadaama waxbada aysan ka garanayn iyo Premier leagu waxaana Mugdi soo galay mustaqbalkiisa.
Wuxuu sheegay Mancini in shaqsi kafiican aan loo helayn kooxdaydii hore”sidaas ayuu ahaa yaboohiisa.
Balotelli ayaa hadalkiisa intaa ku daray”hadii aad weydiiso ciyaartoyda City sanadka dambe tababaraha ay rabaan,ciyaaryahan walba waxaa uu dhahayaa Mancini,kaliya ma ahan macalinkooda laakiin sidoo waa saaxibkood ayuu yiri Caasigii gacanta u qaaday Mancini balse beryahan ku dagay Italy.
Tusaale waxaa uu u soo qaatay Mancini waxaa uu ku guulaystay FA Cup iyo koobkii ugu horeeyay ee Premier leagy Mudo 40 Sano kadib xitaa Alex Ferguson sanad waliba koob maqaado balsea waxaan hubaa ayuu hadalkiisa ku xiray Mancini inuu dib usoo laba kacleyn doono.
Share on Facebook