1-Nafyaheey degtay oo qabsatay qalbikeyga iyo maankeyga xukuntayna guud ahaan dareemaheyga , waxaan kuu soo dirayaa fariintaani xanbaarsan uduga Jaceylka iyo ubaxyada aduunka .
waxaan ogaaday in Jaceylku Macaan yahay noloshana macno leedahay taasina waxa ay timid markii aan ku jeclaaday .
Jaceylkaaga qalibigeyga waa uu ku kobcay iyadoo haatan uu gaaray in aan maxbuus u noqdo Jaceylkaaga.
waxaan xanbaarsanahay guud ahaan wax walba oo is burinaya oo liddi isku ah ee dunida yaal oo ah Rajo , Quus , Faraxad iyo Murugo waana ku faraxsanahay Jaceylkaaga .
Waxaad iga soo bixisay nolosha murugada iyadoo Jaceylkaada uu i keenay oogada dhulka oo aad igu dhandhansiisay faraxda Jaceylka .
kaama qarinayo in wadnaheygu ama qalbikeygu ahaa saxaro lama dagaan ah balse Jaceylkaada ayaa iiga dhigay beer doog leh oo uu Jaceylkaada waraabinayo .
waxaan doonaya in aan ku qayliyo cod kan ugu dheer , waxaan doonayaa in guud ahaan waxa Qalin iyo warqad taal dunida in aa ku qoro Jaceylkada .
Waxaan fariintaani ku soo qorayaa guud ahaan xarfaha Jaceylka oo aan ku soo qorayo dhiigga Qalbikeyga , haddii aan kuu soo qoro erayda kuwo ugu mac ee Jaceylka ma gudi karo xaqaaga , waxaan wadnaheyga ku wadaa wax walba oo uusan qof fileyn hadii aan dadka gabya kuwa wax qora u micneyn lahaana Jaceylka aan ku qabo mucjiso ayay ku noqon laheyd .
Waxaa ii tahay ileys ii baxay waxaa sidoo kale ii tahay Jaceyl aan marna Laabtayda ka go’i karin,Waxaa habeen iyo Maalin i hor taagan waa adiga iyo Riyadaada, Waxaan habeen iyo Maalin igu soo kordhaya waa Jaceylka aan ku qabo.
Walaahi Dareenka aad jirkeyga ku leedahay waa mid aan lasoo koobi karin,Laakiin waxaa mararka qaar niyadeyda ku dhistaa in aan Maalin un ku heli doono, la soco in aad nolosheyda gelisay Saaxada Caashaqa oo aad adiga mooyee aysan rabin cid kale.
Waxaan Xalay saqdii dhexe galay Daruuraha Samada’iyo Noloshii Jaceylkeen midii ugu manaaceyd,Waxaan dheelalaababa Waxaa la ii lulaayaa Laamihii Jaceylkeena kuwii ugu wacnaayoo abidkeenba aan rabnay.
Adigana waxaa kaa sugayaa waa in aad dhankaagiyo ka ilaalisaa Caashaqa,Sababtoo ah haddii aanan Caashaqa labadeena wada ilaalin dhibkeeda ayey leedahay,Sidaasi darteed waan ku kalsoonahay Jaceylkeena inuu najixi doono oo waliba Guushisa wada qaadan doono.
Waan wada eegay wajiyada aduunka maba arag bashar kaa qurxoon kaana wanaagsan , maba sifeyn laheyn arimahaani oo idil haduusan Jaceylkaada i qaadi laheyn.
Share on Facebook
Dr.nasiir
March 14, 2013 at 9:11
Waa farin jecel oo wcn oowanagsan asxaabey ka faaideysta alcarabiya garabka bulsho weynta somalia
;-(;-yääsíínkoow:-;-;-)
March 9, 2013 at 9:11
War jaceel waxow yahay waa naqanaahe sarista nooga shekeya?