Home » Arimaha Qoyska » Talooyin U Gaar Ah Ragga : Ha I Dayicine I Daryeel

Talooyin U Gaar Ah Ragga : Ha I Dayicine I Daryeel

hijab 1Waxaa igu kalifay inaan qoro maqaalkaan markaan arkay dayaca iyo darxumada heysata dumarka soomaaliyeed wuxuuna maqaalkani si toos ah ugu socdaa ragga soomaaliyeed oo sanooyinka ka maqan xaasaskooda.

Ninyahow xaaskaada waa amaano Allah qoorta kuu suray imisa sano ayaad ka maqan tahay ma is weydiisay xaalada nafsiyan ee ay xaaskaada ku sugan tahay?

Waxaa laga yaabaa inaad iska guursatid sidaana ku haqab tirtid baahidaada jisiyadeed.

Adigoo marmarsiiyo ka dhiganaya ma adkaysan karo!!!

Aan su,aal ku weydiiyee xaaskaadu ma bir baa? Maxaa iyada ka qaaday dareenkii?

Ma isweydiisay inta jeer ay habeenkii kolba dhinac u rogmato sariirtiina ayba debacday jiiqjiiqna ku hayso!!!

Ninyahoow Allah ka cabso xaqana iska ilaali waxaa laga yaabaa inaad tidhaahdo waan u soo shaqeynayaa ma xuma taasi laakiin waqti cayiman ayaa lagaa doonayaa.

Cumar binu khadaab Allaha ka raalli noqdee raggii jihaadka ku maqnaa ayuu amar ku siiyay inaysan xaasaskooda ka maqnaan Karin afar bilood ka dib markuu maqlay haweenay goor habeen ah ku calaacaleysa

WAXAA IGU DHEERAADAY HABEENKII NIN LALA CIYAARANA MALEH

HADAANAN ALLAH KA CABSANEYN OO XISHOODKA WAX KU ILAALINEYN

CAAWA SARIIRTAAN DHINACEEDA WUU GILGILAN LAHAA!

Cumar Allah ka raalli noqdee markuu intaa maqlay ayuu aroortii ku kallahay gabadhiisa xafsa Allaha ka raalli noqdee markaasuu ku yidhi iiga waran intay naagta ninkeeda moogaan karto?

Markaasay tidhi ma adigoo aabahay ah ayaad su.aashaa I weydiinaysaa! Markaasuu yidhi hadaanan dooneyn inaan dadka faro kuma weydiiyeen markaasay tidhi afar ilaa lix bilood riwaayad kalena waxay sheegaysaa inay tidhi saddex ilaa afar bilood markaasuu cumar mujaahidiintii amar ku siiyay inaysan xaasaskooda wax ka badan afar bilood ka maqnaan Karin iyadoo ay ku jidho bil soo socod iyo bil sii socod waayo gaadiid ma laheyn.

Hadaba walaalkeyga qiimaha badanoow xaaskaaga xishood baa xakameeyn ma heysato amiir ay u dacwooto waa inay iska qarsataa iyadoo calool xumo ay ku heyso wehel la.aanta ileyn wehelkaada dheeraada welwel iyo walbahaar kaama dhamaadee dumarka in Allah u naxariistay mooyee xaalkooda Allaa og!

Walaalkeyga muslimmka ahoow ha dayacine xaaskaada dib ugu soo noqo deeqda daayin baa bixiyee derajo aakhiro ayaa ka door roon duniyo deeqa dulmar iyo duceysan intuba wey dayacan yihiine daahiroow duco qabe dib u soo noqo xaaskaada la damaashaad..

Waxaan halkan hambalyo iyo salaam kal yo laab ah u dirayaa ragga ka soo baxay waajibkoodii iyo xaqqii ay ku lahaayeen xaasaskooda kana haqab tiray baahidooda jinsiyadeed sidaana ku damiyay dabkii fidnada iyo zinada Allaan ka magan galnaye..

W.Q. Faadumo A Geedi

Share on Facebook

Comments

7 Responses to Talooyin U Gaar Ah Ragga : Ha I Dayicine I Daryeel

  1. hasan baashi Reply

    March 13, 2013 at 9:11

    alaha ku xafido xaqiiqda dhabta ayaad si cilmiyan ah maadi iyo diiniba u qeexday waanadaa kuwii qaata allaha naga dhigo
    ja’sa u laah walaal
    AAMIIN

  2. Fathy abdulahi Reply

    March 13, 2013 at 9:11

    Waw aad ayay ii qancisay laakiin gabadhani aad ayay ii qancisay cisay hadaladeeda hadayna iga cadhoonayn waan ka helay aad iyo ad

  3. ahmed Reply

    March 12, 2013 at 9:11

    Waa arin wanaagsan walaashay qaaliga ah

  4. ahmed Reply

    March 12, 2013 at 9:11

    Asxaabay ila taliya gabar ayaan jeclahay waxaan doonayaa inaan guursado lkn hooyaday iima ogola waxay iledahay dhoof oo soo shaqayso marka maxaan sameeyaa maan dhoofaa mise gabdhaasaan hoos ahaan umehersadaa

  5. balanjo Reply

    March 12, 2013 at 9:11

    shax shaxaaaatahay abaaayadisssssssssssss

  6. Eng..carab Reply

    March 10, 2013 at 9:11

    aad ayaan kaaga mahadcelinayaan walaashey fatma waa baraarujin qaali ah ragana waa in ay sidey tahay u qaataan allaah ayaa waafajinta leh markale waxaan mahada gaarsinaa fatma iyo webka oo soo gudbiyey intaba

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>