Home » Arimaha Qoyska » Hadaad Sidaan Ula Dhaqanto Waxa Ay Aamineysaa In Ay Tahay Boqorada Haweenka .

Hadaad Sidaan Ula Dhaqanto Waxa Ay Aamineysaa In Ay Tahay Boqorada Haweenka .

5555Hadii aad dooneyso in aadan ka bixin maskaxda gabarta xariirka jaceylka kaala dhaxeeya kaliya waxaa kuula gudboon in aad bixiso dadaal , waxa ayna alcarabiya ku siineysa talooyin aad xaaskaada uga dhigi karto boqorad .
* Dadka Hortooda Ugu Muuji Habkaada Romantic Ah : Tani waxa ay haweeneyda dareensiineysa farxad marka ay maqasho ninkeeda oo erayo jaceyl ugu dhaawaqayo sidoo kalana adeegsanaya erayo amaan ah , ha iloobin in lamaantaada eryaada roomaansiga ugu adeegsato asxaabtaada iyo ehelka hortooda.

Ha noqon bakhiil oo ha qarin dareemahaaga marka aad dadka la wada joogtaan oo ka shaqeey farxad gilinta lamaantaada.
* Xitaa hadaan jecleyn waxa ay sameyneyso lamaantaada kala qeyb qaado waayo farxad ayay gilineysaa tusale in aad u raacdo suuqa si ay u soo iibiso wax yaabaha xaafada looga baahan yahay, xitaa haka xishoon in aan jikada la gasho tani waxa ay ka dhigeysaa mid la dhalaasha jaceylkaada .

* Erayada mahad celinta : ninyahoow ha u qaadan howsha ay ku qabaneyso lamaantaada in ay tahay mid waajib ah balse u muuji qadarinta aad u hayso , amaan una mahad celi tanina farxad ayay siineysaa.

* Hadiyadaha Yar yar : qasab ma ah in hadiyada ahaato mid qaali ah kulamaa aad kadis uga dhigto farxad ayay la qarxeysaa.
* Jaceylkaada ugu muuji ficil ma ah hadal kaliya : mar waliba haweeneyda waxa ay rabtaa ninkeeda in uu taageero hadaba jaceylkaada haka dhigin kaliya hadal.

* U Dhawoow ehelkeeda : Waligaa ehelkeeda ha yasin ama si qaldan ha uga hadlin tanina xanuun ayay dareensiineysa.
* Falal Roomaansiga Ah : ceeb ma ah in barkinta aad u dhigto waraaq yar oo ay ku qoran tahay inta uu gaarsiisan yahay jaceylka aad u qabto ama fariin qoraaleed ugu soo dir taleefanka marka shaqada aad ku maqan tahay .

Ugu dambeynti alcarabiya.com ayaa waxa ay ku leedahay ahaaw nin sabar badan oo ha noqon mid mar waliba dhaleeceya oo ixtiraam badan sii lamaantaada.

Share on Facebook

Comments

2 Responses to Hadaad Sidaan Ula Dhaqanto Waxa Ay Aamineysaa In Ay Tahay Boqorada Haweenka .

  1. muna Reply

    March 14, 2013 at 9:11

    manta waxan codsanaya in naloo soo daayo ereyo macaan oo jacayl ah fadlan

  2. Carabyare Reply

    March 11, 2013 at 9:11

    Ok thank u very much all friends

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>