Home » Arimaha Qoyska » Hal Dhibic Oo Jaceyl Ah Kuuma Hayo Hadaad Calaamadahaan Ku Aragto. Is Qabo

Hal Dhibic Oo Jaceyl Ah Kuuma Hayo Hadaad Calaamadahaan Ku Aragto. Is Qabo

hot somali girlsWax la yaab ma ah in aad ka war hesho in dareemaha ninka aad xariirka la leedahay ee kugu aadan in ay is badaleen oo jaceylkiisa aheyn qaabkii hore , hadaba hadaad calaamadahaan ku aragto waxa uu ku ciyaarayaa dareemahaada ma doonayo in uu ku guursado ee il gaar ah isaga yeelo.

1- Is Bedel Deg Deg Ah Oo Bilaa Sabab Ugu Yimaada:. in uu ka cararo kulamadaada iyo taleefankaada bilaa sabab taasi marar qaar waxa ay cadeyn u yihiin in is badel deg deg ah uu ku yimid ,

2- Ka meer meeridda dalabyadaada aad dooneyso : tanina waa calaamad kale oo muuineysa iyana in uu adeegsanayo si uu dib ugu dhigo arinta guurkiina .

3- Dhaleceyn iyo jees jees : dhaleeceynta badan iyo jees jeeska waxa ay muujineysa in in uusan dareemeyn jaceylkaada alcarabiya.com ayaa waxa ay ku leedahay jaceylka waa indhoole ma arko ceebaha qofka la jecel yahay haddi uu arkana waxa uu alifaa sababo iyo mar marsi si aad u aqbasho una dareentid raali ahaansho .

4- luqadii wadahadalka oo daaqadda ka baxda : tani waa mid ka mid ah calaamadaha ugu weyn oo muujinaya in dareen jaceyl uusan ku hayn .

5- Ma Daneeyo Xaaladaha aad ku sugan tahay : waa dhici kartaa in uu mashquulay laakin hadii aysan jrin in uusan ku soo waceyn kuna wareysaneyn xaaladaada maalintaas iyana waa calaamad kale ,alcarabiya.com waxa au ku leedahay is daneynta ayaa ah mudnaanta koowaad ee jaceylka.

Hadaba gabaryaheey hadaad calamadahaan aragto il gaar ah u yeelo xariirkaada oo is aruuri inta xanuunka jaceylka ku soo ridan , waa muhiim fikirkaada ku aadan mowduucaan.

Share on Facebook

Comments

4 Responses to Hal Dhibic Oo Jaceyl Ah Kuuma Hayo Hadaad Calaamadahaan Ku Aragto. Is Qabo

  1. qalanjo Reply

    15- March- 2013 at 9:11

    dhuusa jacey kan la dhahaayo wuxuu yiri anigoo ogeyn i fur la i dhaha sabab la aan hadana wuxuu gadaal ku sii qoray dantaan laha waan ka gaaray oo waan ka soo ceshtay waxaan rabay dadka qaar ayaa iyagoo qaldan hadana is ogeyn war naagihiina u naxariista si ay iyagana idinkugu naxariistaan adinkoo xaasas leh ayaad xumeysaan bari marki aa kala tagtaane single nimo ayaad wadooyin la idinka mari la’yahay adinkoo xitaa habar sagaashan jir aan cafineyn shit walaahi nimanka qaar niman maaha soomalidana ragoodi waxaa bartay wax kale iska dhaafe dadki yurubiyanka oo ku eedeeya in ay yihiin niman aan ixtiraamin xaasaskooda uff dheh

  2. mohamed Reply

    14- March- 2013 at 9:11

    joojiya rufiyaanimada sidaan ma ogtihiin in qoysas badan oo hada faraxsan ku burburi karaan ialaah ka cabsada

  3. HUHAA' JACAYL Reply

    13- March- 2013 at 9:11

    waa ku jecelyahay iyo waa ku necebyahay labadaba isku dar ee saxanka soo saar jab liin ahna hakaso halmaamin.

    hablow iska daaya inaad waardiyo ka qabataan inuu say giino idin jecelyahay iyo inkale. gurigu ma ahan goob lugu saxayo final exam, sido kale ma ahan goob denbi baaris. ku mashquula inaad jacaylka abuurtaan halkii aad exam garayntiisa ku mashquuli lahaydeen.
    Ma jirto kelmed aan ka necebahay “waa inacday” ee aan ka maqlo gacalisadayda. xitaa hadiin jeclaa qar ayaa ka duma rabitaankii aan u haayey. plz no more eedeyn iyo indho faro iska gelin. jacayl waa abuuris fanana waa camal

  4. dhuuso jacayl Reply

    13- March- 2013 at 9:11

    waruntiis ninka soo qoray sheekadaan waayo aniga ayey hada i haysataa waayo waxaan arkayaa hada isbadal aan cadi ahayn iyo afur kuma rabee oon loo haynin wax sababa ah oon gaystay marka ma la dhihi karaa ninkale ayey arkatay aniga horta horan u gostay oo wax xiso badan ah uma hayo oo qarashkaygii ayaan kasoo ceshtay waayo danihii aan kalahaa inta badan waan ka gudsaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>