Home » Arimaha Qoyska » Fariimo Jaceyl Oo Uu Reebay Rasuulkeena CSW Oo Laguu Hayo , Dhan-dhansii Xaaskaada.

Fariimo Jaceyl Oo Uu Reebay Rasuulkeena CSW Oo Laguu Hayo , Dhan-dhansii Xaaskaada.

love23Rag badan ayaa aad u jecel xaasaskooda …balse ma garanayaan sida xaasaskooda jaceylka loo dhan-dhansiiyo,
Hadaba kaalay ninyahoow oo ka baro Rasuulkeena suuban CSW sida xaasaskiina isu jecleysiin kartiin idinka oo qaadanaya fariimahaan jaceyl ee uu Nabi Maxamed CSW u diri jiray xaasaskiisa.

Ka hor intaba aanan dhihiin fariin jaceyl waxaad ogataa in jaceylka uu weyneeyno guriga yar , waa kan gurigii Caa`isha RC oo ka koobanaa 5*3 mitir balse waxaa uu ahaa guri lagu balaariyay jaceyl .

Sidoo kale waxaan oran karnaa inkastoo Nabiga CSW uu aad ugu mashquulsanaa fidinta dacwada islaamka hadana kama aysan hor istaagin arintaas in xaasaskiisa u diro fariimaha jaceylka .

Fariinta Koowaad.

Caa`isha RC waxa ay leedahay waxaan wax ka cabayay dheri aniga oo caadadii qabay , waa kan Nabiga CSW oo iga qaadaya dherigii isla markaana ka cabayay meeshii aan ka cabayay ee uu afka ii saarnaa ninyahoow miyaysan arintaan aheyn fariin jaceyl ee uu NABIGA CSW uu gaarsiinayay xaaskiisa .

Fariin Jaceyl Oo Kale.

Mar kale Caa`isha RC waxa ay leedahay , waxaan cunayay laf helib ah ka dib ayuu rasuulka CSW in uu iga qaaday ayuu afkiisa saaray meeshii aan ka cunayay , ninyahoow miyaysan aheyn fariin jaceyl.

Sidoo kale gabagabadii noloshiisa gaar ahaan Xajatul Wadaac ayay xaaskiisa Safiya waxa ay saarneed geel yar oo aan laheyn awood badan dadkii socdaalka ahaa ayay ka dib martay waxa ayna ahaayeen boqol kun .

Suura gal waa ay aheyd in uu nabiga CSW qof u diro oo soo kor meera balse isaga ayaa aaday markii ay aragtayna waxa ay la boorartay oohin waa kan Nabigeena CSW oo gacantiisa uga tiraya ilinta .

Ogaaw marka uu arintaas sameynayay Nabiga CSW waxa uu ahaa 60-sano jir hadana qalbigiisa waxaa ka buuxay kalgaceyl uu kula dhaqmayo xaaskiisa , ninyahoow qalbiga adag adna xaaskaada oo ilmeneysa ayaad ka tagi laheyd adiga oo aan weydiin waxa ka oohisiiyay.

Ninyahoow xaaskaada dhahdhansii naxariista jaceylka , kuna eeg eegmo jilicsan oo taabasho naxariis leh u samee .

Fariinta Kale

Waxaad dareensiisaa in aad daneyneyso ,markii caa`isha RC rasuulka CSW guursatay iyadoo markaas yar ayna ka soo wareegtay gurigii ehelkeeda oo ay timid gurigii Rasuulka waxa ay horay u soo qaadatay wax yaabihii ay ku cayaari jirtay (Alaaba Alaabeyda)

Waxa ayna dhinac ka dhigtay qolkeedii waa ayna dabooshay si ay u muujiso in uu yahay guri cayaareed , waa kan Nabiga CSW oo ka qaaday maradii saarneed oo leh Caaisha waa maxay waxaan isaga oo og balse waxa uu ogan lahaa in uu dareensiiyo in uu daneynayo iyada iyo alaabaheeda.

Waxa ay tiri Caa`isha RC waa arooskeyga , waxa uu markaa yiri waa maxay waxa kale ee u dhaxeeya , waxa ay tiri waa faras leh laba garab , waxa uu yiri faraska ma leeyahay garbo , waxa ay tiri miyaadan ogeyn in Nabi Suleymaan CS uu lahaa faras garbo leh , waxa ay ku dheeratay in ay u sii sharaxdo .

ninyahoow xaaskaada ihtimaam sii lana sheekeyso oo waliba ixtiraam caqligeeda , ogaaw tanina waa fariin jaceyl .

Fariinta Kale.

Caa`isha RC ayaa la weydiiyay markii uu Rasuulka CSW uu ALLE oofsaday oo la yiri sidee ayuu ku ahaa gurigiisa?
Markaas ayay Caa`isha RC tiri waxa uu ahaa bashar basharada ka mid ah waxaase uu ahaa mid qosla oo dhoola cadeyn badan , isla markaana howsha ka qabta gurigiisa.

Hadaba ninyahoow madaxa adag u istaag sidii lamaantaada aad uga caawin laheyd howsha guriga , oo jaceylka mar waliba ku nooleey qalbiga macaantaada .

Fariinta kale.

Ma uusan ka aheyn rasuulka CSW gurigiisa hogaamiye ama madax balse waxaa uu ahaa aabe , marka uu soo galayo gurigiisana dhamaan mushkiladahiisa waxa uu uga soo tagi jiray banaanka , adna saaxiboow alcarabiya.com waxa ay ku leedahay banaanka waad ku qososhaa waxaadna gurigaada galeysa adiga oo waji macbuus ah ,ogaaw Rasuulka CSW gurigiisa waxa uu ku ahaa mid qosla oo dhoola cadeeya farxadana wajigiisa saaran tahay .

Caa `isha CSW waxa ay leedahay waxan aheyn aniga iyo Nabiga CSW safar waxa uu iga codsaday in aan orad ku tartanno ,waan tartanay waana ka guuleystay markaas ayuu qosol la dhacay ayay tiri .

Ninyahoow fiiri Rasuula CSW ma uusan iloobin xaaaskiisa in uu dareensiiyo xiisaha uu u qabo isaga oo safar ah
Alla Sharf badanaa Rasuulkeena CSW waa kan sanado ka dib oo culeyska caa`isha kordhay , waxa uuna ka codsaday in ay tartamaan, waa uuna ka guuleystay iyaga oo ahaa markaas safar.

Fariin kale , ogaaw sabarka qeyb ayuu ka yahay jaceylka.

Safiya RC waxa ay aheyd mid ku wanaagsan cunno sameysanta , waxa ay u soo dhiibtay rasuulka CSW xoogaa cunno isaga oo la jooga Caa`isha RC.

Caa`isha RC waa ay hinaastay(Maseertay) markaas ayay weelkii jibisay , markaas ayuu yiri hooyadiin ha maseerto, hooyadiin ha maseerto, ma uusan is badelin wajigiisa ,wax fal celis ahna ma sameeyn alla arinkaan miyuusan aheyn fariin jaceyl?

Hadaba Aqriste ka waran fariimahaan Jaceyl , maxaa ragga Somaliyed uu diiday in habkaan xaasaskooda ula dhaqamaan , adiga oo run sheegaya weli xaaskaada waqti ma siiyay oo mala ciyaartay? waa inoo muhiim fikirkaada fadlan haka bixin adiga oo share u sii dhihin asxabta kale hadaad ku qanacday maqaalkaan

Cisman Fantastic

Alcarabiya Editor Team

+254722246658

Share on Facebook

Comments

18 Responses to Fariimo Jaceyl Oo Uu Reebay Rasuulkeena CSW Oo Laguu Hayo , Dhan-dhansii Xaaskaada.

  1. cabdi casiis Reply

    March 25, 2013 at 9:11

    mashaa alaah qurul alqilqqh nuurul carshilaah aflalul anbiyaa i wal mursaliin muxamed innu cabdilaah scw waa in lagu dey adaa nabiga csw byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy

  2. samiir Reply

    March 19, 2013 at 9:11

    Allahayow namarsi wadadi nabigena cws aaamicn aaamiin mida kale qalanjo cwnkaga ma isiin karta adigo mahadsan thanks

  3. duceysane Reply

    March 15, 2013 at 9:11

    maasha alaah rasuulkeena csw waxa uu ahaa wali suuban xumaan oo dhana ilaahay ka nasahay anga sheydaan baa nala shaqeynaayo ilaaaow naga qabo oo noo dambi dhaaf

  4. Jeilani Reply

    March 15, 2013 at 9:11

    Masha allaah,illaah ha nagadhigo kuuwo ku dayda amin amin amin.

  5. Isma'il somali Reply

    March 15, 2013 at 9:11

    Masha’allah ku dayashada wanaagsani waa kuhiim inkastoo aanan weli guursan waan jeclaan lahaa inaan ku daydo sifooyinka wanaagsan ee rasuulkeena swc

  6. Salah Reply

    March 14, 2013 at 9:11

    Manshaallah allow mid bari ah calafkey ka dhig .wan sharfi laha lkn ilaa iyo hada fara lagu ma hayo.

  7. ahmed Reply

    March 14, 2013 at 9:11

    Waad mahadsantihiin huuno

  8. ibra Reply

    March 14, 2013 at 9:11

    mashaa llah alcarabiya aniga wali ma anan guursan lkn insha allah waxaan isku dayi doonaa ina kagadayno rasuulka scw 100% dhaqnka nuucaana ah ee macantayda an ula dhacmo hadii illaaah ii qoro inaa calaf kuyeesho

  9. suleyman ibrahim Reply

    March 14, 2013 at 9:11

    Mansha alah wn rajeyna sidan oo kale inan ula dhaqmo mcntadayda wana ku dayndona wax walba oo nabigena SCW sameyay [ KHOWLAN, FICLAN, IYO CAMALAN]

  10. ugaaska Reply

    March 14, 2013 at 9:11

    maashaa allaah shukran Osman waxaa rasuulka csw noogu sugan ku dayasho insha allah waan u laazimeynaa kuwii na calmada anagoo sunada rasuulka csw u qaadaneyna sidey tahay marka kale qalanjada cid u qalanta weysey ilaah hakuu sahlo duca ayaan kugu kabaa ani ahaan madama aa la,dahay cid kuu qalanta

  11. Hana Reply

    March 13, 2013 at 9:11

    Masha alah tnx mr fantastic wan daabacanaya fariimahan wayo wa fariinta ugu qima bdn koonkan barkinta laabkeeda aya gashanaya

  12. Jamc cade Reply

    March 13, 2013 at 9:11

    Shukran bahda al carabiya insha allah markan gursado falkan wan ku dayandona

  13. Awdhere Reply

    March 13, 2013 at 9:11

    Waan idin salamey bahda alcarabiya jwbtu waa haa waan usameyey inbadana waan lashekeystey xaskeyga waana lashekeysan doona insha allah qaylana kama søo yeri döonto

  14. Aalto Reply

    March 13, 2013 at 9:11

    asc dhamaan asxaabta al carabiya aad ayaan idinkaga mahadcelineynaa maqaalkan wanaagsan ee aad noo soo gudbiseen intaas kadib waan ka xumahay gabadha la baxdey qalanjo in ay weysey nin u qalma

  15. sabaax Reply

    March 13, 2013 at 9:11

    talo wanaagsan waana balan marka aan guursado in aan xaaskeyga sidaan ula dhaqmo wa mahadsan tihin

  16. najmo Reply

    March 13, 2013 at 9:11

    maqaalkaan waxaan u aqoonsaday maqaalka sanadkaan ee alcarabiya , walahi waan ilmeeyay ilaahoow raggeena sidaas nooga dhig

  17. qalanjo nin u qalma weysan Reply

    March 13, 2013 at 9:11

    shukran alcarabiya aad iyo aad ayuu maqaalkaan ii qanciyay wana wax lagu daydo kan ugu macaan badan kun jeer shukran

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>