Mar kale ku soo dhawaada qeyb kale oo ku aadan farimaha gaa-gaaban ee jaceylka ( SMS LOVE) waxa aynu ku soo qaadaneynaa dhowr fariimo oo aad u xiisa badan.
1-Jaceylka waa sida sigaarka oo kale , durba yaad la qabsaneysaa balse si tar tiib ah ayuu kuu dilayaa waayo xanuunkiisa lama dareemo ee qaali wax ila qabo
2- Alla Hodonsaniyaa !Waxaan furay boorso jeebeedkeyga ,waxaan ka war helay in ay eber tahay , waxaan u sii gudbay jeebkeyga oo aan ka helay xoogaa qadaadiic ah , waxaan si qoto dheer u baaray qalbigeyga waxaan si kadis ah uga helay kalgaceylkaada , waah waah alla waxaas ayaa taajirnimo kaa ah , waxa aan hadda ahay ninka ugu hodonsan aduunka .
3- Xiliga igu farxadda badneyd aduunka waxa ay aheyd markaan maqlayay qofka aan jeclahay oo ku hadaaqaya magaceyga xiliga jiifka , markaas ayaan ilaawaa magaceyga .
4- Indhaheyga waxa ay la olalaaan aragaaga la`aantiisa ,gacamaheyga waa ay maran yihiin waayo waxa ay tabayaan taataabashadaada , faruuryaheyga aad ayay qalalan yihiin waayo waxa ay tabayaan baashidaada , niyadeedana waa ay dilan tahay waayo waad iga maqan tahay .
5- waxaan aad u jeclahay in aan wehelkaada ahaado , waxaan u hiloobay dareenkaada iyo dhunkashadaada , waxaan kaloo u xiisay shanqartaada degan iyo xiliyadii aan kula caaweyn jiray runtii aad ayaan kuugu xiisanahay .
Share on Facebook
Al~cadaala
January 23, 2013 at 9:11
Waaw wa oky midba mida kale ka qaya badn o indhaha uga roon mida kale
waxana fariimahan o kale la siista niyad furan
mahadsanidin
Shax shaxlow
December 19, 2012 at 9:11
Talo hadan ku siyo walal somafon shirkadas aya fududeysay hadalada yurub iyo somali bishi xaskaga hageyso shirkada 25$ adiga si free ah u soweceysid mahad sanidin alcarabiya
Abni diriye
December 18, 2012 at 9:11
Waxan ad ogu mahadnaqaya wlalaha alcarabiya e nagu sokordhiyo figradaha muhimka ah e an oga bhanahay dhanka jcylka
Zaki afellay lamela
November 26, 2012 at 9:11
Waaaaw caadi mahan farimahn tnkz all al carbiya shaqaleheda
Jacayloow
November 21, 2012 at 9:11
Asaxaabeey ani waxaan ku noolahay wadan aan wadan kayga ahayn waxaan ku ahay marti ma ihi nin ku haysta shaqo aad u sii wayn waxaan dabaraa noloshayda iyo mida familkayga oo kaliya xaaskayga oo aan aad ujeclahay waxay joogtaa somalia ma awoodo inaan mar waliba saan jeclahay ula hadlo waan jeclaan lahaa inta noloshayda ka dhiman inaan usheekeeyo lakiin xaga qarashka ayaan ii saamaxayn waxaan u xiisaa mar waliba hadal keda iyaduna sidoo kale hadalkayga ayay u xiistaa marka madaama aanan is wicikarin mar waliba maxaan sameeyaa ila taliya alcarabiya mahadsanidin
Jacayloow
November 21, 2012 at 9:11
Maasha alaah walalaha alcarabiya aad ayaan uga helay fariintaaan aad ayaadna u mahad santihiin