Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Mahad iyo Farxiyo , Mahad ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid murugo xamabarsan ah.
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada madiina, halkaasi ayaana kusoo barbaaray, kuna soo wax bartay, isla-markaana gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee FARXIYO ee waxaanu isla wada degneed degmada madiino ee gobolka Banaadir.
FARXIYO waxay kamid ahayd hablaha degmada Madiino ee sida gaarka ah ee aan u xiiseen jiray, inkastoo ay dadkaasi oo dhan ay FARXIYO iga dhaweyd, waxaana jeclaan jiray inaan markasta la-sheekeysto, la-kaftamo, la-qoslo, waayo waxay ahayd gabadha kaliya ee dhex degtay qalbigeyga.
,
Muddo kadib ayaa waxaan dareemay inaan jaceyl culus u qabo FARXIYO, hadana waxaan kari waayay inaan u sheegto jaceylka aan u qabo, aniga oo ka baqdin qabay inay igu tiraahdo “Iga Raali Noqo Waxba Kuma Qaban Karaayo, Ama Waxaa Tahay Walaalkey ee iga xishood”, taasi ayaa waxay keentay inaan jaceylkayga sheegan kari waayo.
Waxaan fursad shaqo aan ka hellay dalka Koonfur Afrika oo ay ku noollaayeen wiilal ila dhashay, sidaasi ayaana ku yimid dalka Koonfur Afrika oo aan iminka ka xamaasho, laakiin markaan muddo joogay Koonfur Afrika ayaa waxaan xiriir gaaban aan la-sameeyay FARXIYO oo iyadu iskaga soo tagtay magaaladda Muqdisho, waxayna markaasi ay ku sugneed magaaladda Nairob ee dalka Kenya.
Xiriirkayna ayaa wuxuu ku dhisnaa Internet iyo Teleefan, hase ahaatee waxaan aad u badiyay xiriirkayni, waxaana muddo kadib aan u soo bandhigay inaan jeclahay, nasiib wanaag waxay igu soo dhaweysay gacmo furan.
Waxaa aniga iyo FARXIYO inoo bilowday jewi ka duwan kii hore ee baqdinta ku dhisnaa, waxaana kala helnay kalsooni balaaran, waxaan noqonay laba ruux oo ay si weyn iskugu baxdo, waxaana xilliyada qaarkood aan ka sheekeysan jirnay markii aan joognay degmada Madiina iyo sida aanu isu xiiseen jirtay.
Farxiyo waxay noqotay gabadha kaliya ee aan markasta ku taami jiray, ku faani jiray, igu bixi jirtay, waxaana dhihi karaa FARXIYO waxaa weeye boqoradii dumarka Soomaaliyeed oo idil, waayo waxay igu abuurtay jaceyl igu xidideystay, hase yeeshee maxaa dhacay?.
Aniga iyo iyada oo si weyn isu jaceyl, misena ay isku kaaya baxdo, ayaa waxaan ka war hellay iyadoo si weyn isku badashay, welibana anigoo aan waxba ka sameyn, waxna u dhimin waxna u geysan, waxaan dareemay markasta oo aan teleefanka ka waco in’ay wejiga ii badasho, marka aan rabo inaan la-sheekeysto inay sheekada meel kale u badasho, markaan damco inaan kala hadlo wax-yaabaha aan tabanaayo inaysan waqti i siinin, iyadoo ay sidaasi tahay ayaa waxay bilowday inay teleefanka igu damiso, amaba aysan teleefanka iga qaban.
Waxaan sameeyay talaabo kasta oo aan farxiyo ku qanci karo, ama aan kula hadlo karo, waxaan u diray boqolaal Emailo ah, hase yeeshee ima soo jawaabeyso, intaasi kadib waxaan waayay wado kale oo aan ku hadli karaayo Farxiyo, hase yeeshee haddii ay fursad ii siin laheyd halmar inaan su’aal weydiiyo, ayaa waxaan weydiin lahaa oo qura “Wax yaabaha keenay inay sidaan ii gashao, amaba ay ila dhaqanto”?
Ilaa iyo hada waxaan isweydiiyaa sababaha ay farxiyo sidaani igu galeyso, weliba midda kaliya ee i dhibtay, amaba aan ka jooggi waayi ayaa waxay tahay aniga oo aan waxba ka sameyn, sababaha ay sidaani igu sameyneyso, akhriste dabcan tanoo kale haddii ay kusoo mari laheyd waad dareemi kareysaa, xanuunka ay leedahay, hadaba waxaan kaa codsan lahaa inaad ila soo taliso.
Waxaa Qoray
Nuur Ismail Sheikh
E-mail nuur.usa@hotmail.com
Share on Facebook
Liibaan
February 26, 2013 at 9:11
Weyku sugi weysay
Xaliyaha jclka
February 16, 2013 at 9:11
Asc sxb is ilo se anay iso martay wad murogoynay 2 malin wad na ilowaysa sas moye sikale maleh bro
Wetedyaredanwaa or dhanaan
January 26, 2013 at 9:11
Asc bro aniwaxan kugulatalin laha in ad usamirto samra sadkiwuhelaa
Osman siyaad
January 25, 2013 at 9:11
Asc walal mid tan lamid ah aniga ayey isoomartay oo mudo aan wada soconay islamarkaana wax qadar weyn ah aanan ina dhexmarin islamarkaana telka la iga badashay marka dumarka sanadadan joga waa arxan laawayaale is ilowsii sida aan sameeyey oo kale mid danbana ha galin waxaad dusha kalasocotaa qof miisaaman misna macquul ah Allaha kugarabgalo Sxb
MAHAMED
January 20, 2013 at 9:11
asc marka hore sxb wan kusalamey. ilaaheyna ha kuu gargaaro waxey taladeyduna tahey jaceylku marka horaba waa wax qof iska dhaadhiciyo hase ahaate iska dhaadhicinta kabecdi qofku haduu siduu uqorsheystey hadey hawshu ugu dhici waydo waa ku rafadaa rafaad kana haduu horey uxalin wayo halis ayuu gaadha markaa sxb anu waxan kudhi lahaa inad iska ilawdo gabadhaa hadii aad weydey fursed balse hadii aad is ledahey farsed aad kula kulento ayad haysataa samee sxb waayo somalida aya ku maah maahda “wax aan kudeynen lama daayo”
Kabitano
January 18, 2013 at 9:11
Sxb waxan kugula talin lahaa in aad utagto haddad awoodo markas ayaa ogaaneysaa sida ey wax ujiran teda kale waxaa u maleynaa waqti dher in ad ku maqantahay iyadana ee kusugi kari weysay!
abdulahi mohamed omar aatii
January 15, 2013 at 9:11
masha alah bro waxan kugu tali lahaa inaad usabarto oo ad waqti walbo aad salada dukato aad ku duceysato in ilahey calaf kugu daro insha alah wad heli dontaheeeee
ck
November 21, 2012 at 9:11
asc walal marka ugu horesa waxan ku xasuusinaa xadis ka sugan nami muxamed scw oo ahaa hadada qof jeclanee hawa jeclaan waxow loqon doono ma ogod marka waxan kula talinaa in aad sameso marka ugu hores ee aad taladeyda aragto waxad tugataa labo saladood oo aad ugu qasado ayada waxadna ku ducesanee illaah hadan calaf ku leyahay iisahal hadan ku laheyna iga qad murugteeda in sha allaah wax ayaad daremee walala asc