Home » Sheekooyin » Ma Qabtaa 10-ka Khuraafi Ee Khaladka Laga aaminsanyahay Ee Dhanka Jaceylka..? Qaybtii 2-aad (Qaliinkii Maxamed Xaaji)

Ma Qabtaa 10-ka Khuraafi Ee Khaladka Laga aaminsanyahay Ee Dhanka Jaceylka..? Qaybtii 2-aad (Qaliinkii Maxamed Xaaji)

Khuraafiga 6-aad: Aragtida aan ka qaato qofka maalinta 1-aad ayaa igu filan:
Waa mid ku xuduman dabciga insaanka inaan qofku isagii ahayn badiyaa marka uu la kulmayo qof cusub, gaar ahaan marka aad iska soo hor baxdaan qof ay adagtahay inuu sheekada kululeeyo oo naf u yeelo laakiin sug waxaa laga yaabaa inuu boorka iska jafo kulanka 2-aad iyo kan 3-aad. sidoo kale waxaa jira qof maalinta 1-aad uuro kugu qariya oo aad is tiraahdo “Alla qofku fariidsanaa“laakiin waqti kadib waxaa laga yaabaa inuu noqdo qof aabiloow ah ama aan dhaqan wanaagsaneyn. si kastaba waxaa jira qodobo fara badan oo saameeya nolosha qofka tusaale ahaan waxaad la kulmi kartaa qof ay maanta shaqadu ku xumaatay ama buuq kusoo galay jidka taaso si toos ah u saameyn karta shakhsiyadda qofka.Waxaa sidoo kale jira khaladaad ay dadku ku fududaadaan balse ay ka shallaayaan hadhoow, waana inay lugta afka gashadaan, waxaa ka mid ah inaad sameeyso afcaal aad is leedahay qofka kusoo jiido sida adigoo in badan hadla ama hadalka boobsiiya inta aad isleedahay qofku ha qanco lugta bukta iskaga istaaga taasoo laga yaabo inay qofka u saameeyso si khaldan. si kastaba inuu soo boxo nuxurka qofka kale waxay qaadan kartaa mudo sidaa darteed baysan u wanaagsaneyn in lagu degdego go’aaminta dhanka uu kaa xigo dabci ahaan qofkan kugu cusubi.

Khuraafiga 7-aad: Hadii aan mudo isla socono way iska baabi’i doonaan waxyaabaha aan ku dhibsado jaalkayga:
Dhabtii aragtidani waa mid ka mid ah afkaaraha ugu badan ee marin habaabiya dadka ku howlan haasaawaha guur, mar kasta howl fududi ma dhasho natiijo lagu reeysto, si kastaba hadii ay jiraan waxyaabo ku dhibaya oo jaalkaaga u dhaqan ah oo aanad kula jaan qaadi karaynin isla markaana aanu soo muuqanin xal la sugayaa, waloow laga yaabo inuu qofkani ku wanaagsan yahay dhinacyada kale oo dhan qaado go’aanka haboon inta aanay xeero iyo fandhaal kala dhicin.

Hadaba hadii aanad arintan xal u helin ha isku qancinin inay iska baabi’i doonaan, ogoow waxaad haysataa fursad wanaagsan oo aad markabka uga boodi karto, mid kalaase jirtee maanka ku hay maadaama aanu jirin qof kaamil ah oo ay markastaba jiraan iimo lama huraan ah laftaadu meesha haka saarin istaraatijiyad ku salaysan “Safaroow waxna gado waxna garo“.

Khuraafiga 8-aad: Gabar wanaagsan u doona iyadaa dad ka dhigi doontee–iyo caksigeeda:
Waa aragti halis ah waayo wanaaga iyo isbedelka qofku waa inuu isaga kasoo go’aa, guurkuna xal uma noqdo marar badan qof wareersan oo ay ku adagtahay inuu soo waarido waxa ay tahay inuu ka sameeyo cutubka xiga ee noloshiisa, aan caradiisa xakameyn karin oo karaar dhaaf ah, ama dhib ku qaba sii wadashada shaqadiisa ama inuu shaqeeyo gebi ahaanba, aan u maleeyneynin in loo baahan yahay inuu xaliyo ama aanba u caal haynin xalinta mas’uuliyad maalmeedka joogtada ah ee loo baahan yahay guurka kadib.

Sidaa Darteed naf dhunsani waa inay isi saxdaa guurka kahor ee maya guurka dhexdiisa, nasiib xumo dad badan oo nolosha ku qulban ayaa rumeysan in hadii ay guursadaan uu xalku iskaga imanayo qaab otomaatig ah oo aan looga baahnayn inuu is qabto, iyagoo jaalkooda uga fadhiya inay saxaan khaladkooda laayaanka ah, inta badan guurka noocan ihi waa farxad la’aan ama wuxuu ku dhamaadaa furiin, laakiin hadii aad maqashay sheeko naadir ah oo ku saabsan qof samaaday guurka kadib waxaa uun ugu wacan isagoo iskii u go’aansaday inuu far isu celiyo iyadoo aan la eegeynin taageerada niyadeed ee uu ka helay jaalkiisa/jaalkeeda, haa oo sidoo kale waa la yiri nin wanaagsan oo kasta waxaa ka dambeeysa gabar wanaagsan laakiin sidoo kale ha iloobin “Waano abuuris baa ka horeeysey“.

Khuraafiga 9-aad: Waxba micna malaha aragtida qoyskeeyga iyo sxbadeey hadiiba aanu is fahmayno jaalkayga intaas uun baa muhim ah..!:
Mid ka mid ah saaxiibadaa ama qaraabadaada ayaa laga yaabaa in aanu jeclaysanin jaalkaaga sababtoo ah waxaa iska hor imanaya shakhsiyadohooda ama danohooda, si kastabase marka dadka kugu xeerani aanay la dhicin jaalkaaga, waxay u muuqan kartaa wax aan adiga kuu muuqanin ama aan kula wayneeyn taasoo ay ugu wacan tahay dareen caadifi ah, oo kuu jiidaya dhanka qofka jaalkaaga ah iyo qabkaaga shakhsiga ah.

Markii uu sidan xaal noqdo, waxaa wanagsan in si hoose loo dhugto waxa dhacaya, ka eeg waxa socda dhinacyo badan, wada xaajood waadax ah ka samee xaajada miliqsan, si qoto dheer usoo saar waxa kujira daaha gadaashiisa, si dhowna u daraasee oo waqti wanaagsan u qaado si aad si wanaagsan isugu barataan inta aanad qaadanin wax go’aan ah oo ku saabsan mustaqbalkaaga.

Khuraafiga 10-aad: Wax walba waxaa lagu xalili karaa jaceyl qura:
Khalad aaminsanaanta noocan ihi waxay lamaane badan u horseeday inay qar ka dhacaan kadib markii ay qoorqooreysteen lamaane aanay isu qaadmin balse uu kala dhexeeyey “jaceyl“ aanay la soconin masuuliyad, ixtiraam, is faham iyo hadaf isku mid ah.
Tusaale ahaan waad is jeceshihiin laakiin ninkii wuxuu rabaa inuu ku noolaado Shanghai gabadhiina waxay doorbideysaa inay waqtigeeda ku qaadato Shefeild, waxay jeceshahay inay ahaato gabar ku dhegan diinteeda halka uu isna ka helo inuu ku har baajiyo marfashka lagu qayilo, cawaysyada iyo meelo kasii xag jira, wuxuun jeclaan lahaa inay guriga joogto oo ay hayso caruurta yar yar ugu yaraan inta ay yaryaryihiin si ay u helaan barbaarinta iyo kalgaceylka hooyonimo iyadna waxaa ka go’an inay ka jiba keento mihnadeeda shaqo iyo teeda aqooneed, waxay jeceshay inay xiriiriso qoyskeeda isna ma doonayo wax aan iyada ahayn-iyo taa caksigeeda (Viceversa).

Dad badan ayay ku dhalataa inay marka hore guurka ka faraxashaan deedna waxay abyaan turxaan bixinta madmadowga jira laakiin cudurku wuxuu noqdaa mid aan la daweeynin maadaama waxa uu qofku jecelyahay iyo qaabka uu door bidayo inuu u wajaho hanaanka nololeed (Personal lifestyle) ee uu ku riyoonayo uu ka hor iman karo dooqa jaalkiisa wayna yar tahay ixtimaalka farqigaasi mustaqbalka loogu heli karo xal lagu nasto, waxay taasi noqotaa il uu kasoo burqado khilaafka lamaanaha isu dhaxa, waxay deeto casuuntaa xiriir cilladeysan oo aan cood lahayn hadii ay sidaa kusii socotana waxay dawadu noqotaa in lagu kala dareero oo uu xiriirkii dumo, si kastaba ha isu jeclaadeen lamaanuhuye.
Waayo hadii aanay iskaga iman karin farqiyada waaweyn ee ku qotoma habdhaqanka qofeed, filashooyinka nololeed, ama riyooyinka mustaqbal, meesha kama muuqdaan astaamo laga quudareeyn karo mustaqbal caafimaad qaba oo mudo dheer lagu caana maalo sidaa darteed waxaa wanaagsan in wixii calowsan la ceelaajiyo oo la xaliyo waqtiga ku haboon.Dhamaad.……………………………………..

 

 

Share on Facebook

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>