Indhaha dadka xiiseeya ciyaaraha ayaa maanta waxa ay ku sii jeedaan garoonka Chelsea ee galbeedka London halkaasi oo kulan xiiso leh uu ku dhex marayo kooxaha Chelsea iyo Man City .
Labada koox ayaa garoonka ku soo galaya iyaga oo xanbaarsan hal ku dhig ah ” guul mooye wax kale ma jiraan” gaar ahaan Chelsea oo kulankaan uu hogaaminayo tababaraha cusub kaasi oo doonaya in guulihii Chelsea dib u soo celiyo .
Sidaa oo kale City oo iyana u dagaalameysa in ay sii hayaan hogaanka horyaalka xili tababare mancini uu haysto cadaadis xoogan ka dib markii City si fudud ay u macsalaameyeen Champion-ka sanadkii labaad , sidaa darteed waxaa lagu wadaa in kulankaas noqdo mid faraha looga gubto , hadaba warbixintaan waxaan ku eegeynaa 10-xaqiiqo oo ku jirta kulanka caawa .
Xaqiiqda Koowaad: hadii Chelsea caawa badin waxa ay u tahay markii ugu horeysay oo aysan guul ku keenin sedex ciyaar oo isku ku xigta gurigooda tan iyo december sanadkii 2008-ka .
Xaqiiqda Labaad: Chelsea Waa ay dhaliyeen iyana shabaqooda goolal ayaa taabtay 7-dii ciyaar ee igu dambeysay ee horyaalka ingiriiska , sidoo kale laba jeer uun ayaa looga badiyay garoonkooda 15- ciyaartii ugu dambeysay .
Xaqiiqda Sedexaad: Haddii Chelsea ku fashilinto ciyaarta maanta waxa ay u noqoneysaa ciyaartii 5-aad ee isku xigta ee horyaalka ingiriiska oo Chelsea guul dareysto tan iyo december sanadkii hore 2010-kii .
Xaqiiqda Afaraad: Waa yar tahay in kulanka labada koox xiliyadii ugu dambeeeyay ka marnaato rigoorayaal iyadoo 5-rigoore la dhigay lixdii kulan ee ugu dambeysay ee horyaalka ingiriiska .
Xaqiiqdii Shanaad: City ma dhadhamin qaraarka guul darada 8-dii ciyaar ee ugu dambeysay ee ka dhacay banaanka garoonkooda 5- ka mid ahna waa ay guuleysteen .
Xaqiiqdii Lixaad: Weeraryahanka City Carlo Tevez waxa uu ka dhaliyay 6-gool lixdii ciyaar ee ugu dambeysay ee ay ku kulmeen horyaalka ingiriiska .
Xaqiiqda Todobaad: 10-kii kulanka ee ugu dambeysay ee ay kulmeen horyaalka ingiriiska waxa ay Chelsea guuleysteen 6-jeer halka 4-na City guuleysatay .
Xaqiiqda Sideedaad: Kulanka cawa waxa uu noqonayaa kulankii labad ee dhex mara labaad dhinac xili ciyaareedkaan iyadoo koobkii la oran jiray Carling Cup-ka ku kulmeen waxaana 3 -2 ku badisay Man City .
.
Xaqiiqda Sagaalaad: Labadii ciyaar ee xili ciyaareedki hore kulmeen ee horyaalka qeybta ka aha waxa ay ku dhamaatay 2-1 oo midba midka kale uga soo badiyeen.
Xaqiiqda tobanaad: guul daradii ugu horeysay ee City xili ciyaareedkii hore waxa ay kala kulmeen Chelsea , hadaab su`aaha taagan waxa ay tahay Chelsea Guul Daro Kale Dusha Ma Saari Doonaan Man City ?
Dhiibo Fikirkaada Ku Aadan Kulanka Caawa .
Cisman Fantastic
Alcarabiya Editor Team
Share on Facebook