Aktarada quruxda la sii duqoobeysa ee Rani Mukherjee ayaa shaaca ka qaaday in bilaawgii wada shaqeynteedii aktar kale Amir Khan in ay awoodi weysay in ay indhihiisa eegto oo ay indhaha u dhameystirto aktarka gaar ahaan xiliga ay wada sameynaayan action-da Romantic-ga ah .
” waxaan fiirin jiray kabihiisa maxaa yeelay hadaan eego indhihiisa waxaan ka baqi jiray in jaceyl uu igu dhaco .
Labada jilaa ayaa markii ugu horeysay wada shaqeeyay 1998-dii xiligaas oo ay Rani ku cusbeed halka Amir uu ahaa xidig uuna keenay xiligaas filimadii Qayamat Se Qayamat Tak “Dil” iyo Jo jeeta Wohi Sikander.
Ka dib filimkoodii “Ghulam” ayay haatan labada aktor mar kale shaashada si wada jir ah uga soo muuqanayaan waxa ayna 14-sano ka dib isku arkeen filimka Talaash , iyadoo uu yahay kii sedexaad oo ay wada jilayaan .
Aktarada ayaa sii raacisay” haatan indhaha aayan u dhameeyay si fog ayaan u eegay illaa aan gaarsiyay heer uu i weydiiyo sababta aan sidaas ugu eegayo”.
Filimkaan ay haatan wada wadaan ee Talaash ayaa si rasmi ah suuqa loogu soo fsaxaaya berito , iyadoo Rani ay haatan jirto 34- sano halka Amir Khan uu jiro 47-sano .
Alcarabiya.com
Share on Facebook
Cabaaye
January 30, 2013 at 9:11
Rani aniga ayaa jacel fadlan rani somalia imaw ee islaam wan ku guursanayaaye aniga amir khan ka xayisane kkk