Sida warbaahinta ay qoreyso naadiga hantiilayaasha reer Qadar ee PSG ee dalka faransiiska ayaa sheegaya in qorshe aad u sareeya wadaan oo ku aadan in ay la hishiiyaan tababaraha Real ee Jose Mourinho xilli natiijooyinkii Madrid ay dhawanahaan dib u dhaceen.
Wararkaan ayaa soo baxaya xilli si weyn Jose lala xariirinayo in uu ka tagayo kooxda Real , waxaana la saadaalinayaa sidoo kale in horyaalka ingiriiska uu ku soo laaban doono .
Illaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka Real oo ku aadan wararka suuqa hareeyay oo xitaa sheegaya in Ronaldo uu boorsadiisa ka soo qaadanayo Madrid .