Talooyin muhiim oo lo hayo qoysaska wada noolaan , waana hubaal hadii talooyinkaan alcarabiya qaadataan in guul weyn la gaarayo .
Ku Dadaal in ninkaada Raali Giliso , Ogaaw Rasuulka CSW waxa uu yiri haweeneyda dhimata iyadoo ninkeeda raali ka yahay waxa ay galeysaa janada , waxaa wariyay Altirmidi, waxaa kale uu rasuulka CSW yiri haweeeneydii ninkeedu uu ugu yeero sariirta oo diida uuna ka caroodo ninka , waxa lacnad ku ridaya malaa`ikta ilaa waaga uu ku baryo , Bukhari iyo muslim wariyeen.
Codkaada yuusan ka sara marin ninkaada , waana arinta ay ugu neceb yihiin ragga hana badin codsiyada ka bananka ah awoodda ninkaada , jaceylkaadana yuusan noqon hanti , waxaa haboon in aad isku bar bar taagto daruufaha adag.
U Cudur daaro ninkaada xitaa hadiiuu yahay qofka qaladka dhaliyay , ogaaw haweeneyda waa midda marka ninkeeda ka caroodo u timaada oo gacanteda gacanta u gilisa ninkeeda oo cudur daar siisa.
Farxad ku soo dhaweey marka uu guriga ku soo laabto hana kugu arko muuqaal kan ugu qurxoon oo ha iloowin dhoola cadeynta , ogaaw xiliga uu ninka guriga ku soo noqonayo waa waqtiga ay haboon tahay in aad adeegsado furaha farxadda .
Ogaaw gabaryaheey ninkaada dhab ahantii waa cunug weyn ha iloowin in aad ku tiraahdo hadalo macaan waliba magacyo kan ugu macaan ugu yeer sida xayaati , nolosheyda , qaali , amman oo waliba uga mahad celi wanaaga uu ku samaeeyo una sheeg in uu yahay nimco uu alle kugu maneesytay oo u muuji in aad u xiisto inta uu guriga ka maqan yahay .
Ka fogaaw in aad la fariisto asxaabta xun si taas ninkaada uga caroon adna gurigaada uusan u bur burin , sidoo kale ha faafin sirta ninkaada xitaa hadii qilaaf uu jiro .
Amaan eheladiisa iyo saxabadisa si wacan u qaabil marka gurigaada imaanayaan hana isku dayin in isaga iyo ehelkiisa kala geyso
Iska ilaali in aad guriga ehelkaada aado marka aad careysan tahay sidoo kale ha ku takri filin hantidiisa waa hubaal hadaad talooyinkaan alcarabiya qaadato in gurigaada uu saliim ka ahaanayo is qab qabsi iyo bur ee gabaryaheey ku dhaqaaq.
Qoraalada alcarabiya waa dhowrsan yihiin hadaad web kale u qaadaneyso fadlan ha ka tagin in aad xigashada xusto .
Cisman Fantastic
Alcarabiya Editor
Share on Facebook