Weli waxaan ku jirnaa sheekadii cinwaankeedu ahaa Jaceylka Dhabta ah ma dhinto waa uu jirayaa waligiis waana qeybtii labaad ee la socosho wanaagsan .
Maymuun iyada ooyneysa ayay u carartay qolkeedii halka Maahir uu istaagay saalada waa uuna awoodi waayay in uu u tago xaaskiisa waayo waxaa hadal kulul ugu yeertay hoyadii waxa ayna ku celisay haye maahir hadalkeyga soo run ma noqon .
Maahir isaga oo hadal liq-liqaya oo ku haya Hooyo Hooyo , waa tan hooyadii iyada oo careysan oo hadalka ka soo dhex galeysa maahir kuna haysa warkeyga soo sax ma noqon , ceebta iyada ayay saaran tahay .
Maahir hooyo tani waa qadar alle , hooyadii iyada oo canaananeysa wiilkeeda ayaa ku tiri tani waa abaalka wiil aan hooyadii adeecin oo warkeeda yeelin , waa tan middii aad waaliada jaceylka aad u qaaday , fiiri hadda maxaa gadaasheeda taagan , waa tan midii aad nooga go`day , soo kuuma sheegin in faa`ido laga sugayo aysan jirin.
Waa tan Maymuun oo taagan madaxana u saaran yahay darbiga qolka , ilinteeda kululna ay buux dhaafisay daankeeda waa ayna maqleysay sheekada dhex mareysay Maahir iyo hooyadii.
Waa kan maahir oo weli ku sugan saalada guriga kuna leh hooyadiis tani waa qadar alle , hooyadii iyada oo careysan ayay tiri haa balse adiga waad mudan tahay waxa kugu dhacaya , waa abaalkaadaa , waxad ku caasiyoowday hooyadaa , iyadoo aadan la tashan ayad guursatay , hadii aad guursan laheyd gabadha habaryartaa waan nafasi lahaa waa ayna kaaga wanaagsan taahy middaan madhaleyska ah .
Maahir waa uu ka carooday hadalka hooyadii , ,markaas ayuu yiri naga jooji naga jooji , tani waa nolosheena xor ayaynu nahay , ma dooneyno caruur , qof aan rabo ma jirto aniga ayaa jecel waana jeclaanayaa mana ka tagayo , gabar kalana ma guursanayo.
Hooyadii waxa ay ku sigatay in xanaaq ay la buubto waxa ay tiri iyadoo hadana hadalka u dajineysa i dhageyso maahir markii hore hadalkeyga ayaa diiday maskaxdada ayaad ka guursatay wan kugu raacay , markaan kaama yeelayo oo kaama aamusayo mana kugu fiirsanayo gabadhaan madhaleyska ah .
Maahir tani waa nolosheena hooyo , xor ayaan nahay cid na soo kala dhex gali karta ma jirto , waa tan hooyadii xanaaq la kar kartay oo leh aamus arintaan hadal aad ka dhihi karto ma jirto , miyuu jiraa nin aduunkaan jooga oo aan dooneyn in uu caruur dhalo oo magaciis iyo kan qoykiisa wata , maxad dooneysa in dadka nagu yiraahdaan . alla ceeb badanaa .
Waa kan maahir oo kululaaday adaab ahaan gees maray adeecida hooyadii oo leh waan jeclahay mana doonayo ilmo, hooya ii dhaaf nolosheyda , mar kale isaga oo hoos u dhigaya hadalkiisa ayuu yiri hooyo hadalkaada hoos u dhig mowduucaan naga xir maymuun aad ayay uga murageysan tahay mowduucaan mana doonayo in aan ku sii xanuujino muragada haysa .
Maahir hooyadii waa ay bururtay madaxa gacmaha saaratay markaas tiri dhaaf ha maqashee wax iga galay ma jirto haddi ay maqleyso iyo hadii aysan maqlinba, ceebta adiga kuguma dhaceyso iyada ayay ku dhaceysa , i maqal adiga weli da`daada wa yar tahay ha igu oran waxaan nolosheyda ku luminayaa naag aan faa`ido laheyn oo aan dhaleyn.
Maymuun weli madaxa waxa uu u saaran yahay darbiga qolka oohintana waa ka dhaamatay dhagaheedana waxa ay ku raaxeysanayaan sheekadada dhex mareysaa Maahir iyo hooyadii.
Maahir oo sii wata hadalkiisa ayaa ku yiri hooyadii waxaaan nolosheyda oo dhan la qaadanayaa Maymuun wax dan ah oo aan ka leeyahay caruurna ma jirto , wa tan hooyadii oo qaab jees jees ah ugu jawaabeysa qaaligii aa jeclaa , wiilkeyga macanaa iska daa hadalkaan dha-dhanka laheyn iskana ilaaw qisooyinka jaceylka filimaanta , maanta waxaan aadayaa habaryataa Nuuro waxaana u dirayaa in ay ku soo baadi goobto gabar wanaagsan oo dhaleysa ilmo xanbaarsan magaacada iyo magaceena .
Maahir oo la yaaban warkasi ayaa yiri isaga oo ku dhagan go`aankiisa i maqal hooyo , haddii cirka dhulka uu ku darsamo kama tagayo Maymuun xitaa hadaad ii keento naagta ugu qurxoon aduunka maymuun qalbigeyga ayay ku qoran tahay .
Maahir Hooyadii nacasyahoow aamus hadal aad igu soo celin karto ma jirto waxii beri ka dambeeyana gabar ayaan kuu baadi goobaya oo ka wanaagsan naagtaan ma dhaleyska ah , ma dhaleyska ah .
Maymun weli dhagaheeda waxaa sida biyo kulul ugu shubmaya hadalada naxariis darada ah ee eedeed ka so yeeraya ilintana waa ka dhamaatay waxaana maskaxdeena ka sii shanqareysa erayada maahir hooyadii ee ah ma dhaleys ma dhaleys .
Maahir ayaa ku yiri hooyadii isaga oo aad u careysan ma guursanayo waliga sameey waxa aad dooneyso in aad sameyso Maymuun waa xaaskeyga waana aduunyadeyda oo dhan .
Waa tan maahir hooyadii oo si carro ka muuqato ugu jawaabeysa wiilkeeda maahir aniga ayaa dantaada garanaya waxaana doonaya in aan arko caruurtaada ka hor inta aan dhimin , waryaa ma i maqleysa hadaad hadalkeyga diido waxii maanta ka dambeeysa ma ihi waalidkada illaa maalinta qiyaamahana waan ku careysnaanayaa .
Maahir Maymuun waa jaceylkeyga inta aan noolahayna akteeda ayaan joogayaa ayuu sii raaciyay .
Waa ay yaabtay maahir hooyadii waxa ayna indhaha ku gubtay Maahir afka ayayna kala furtay iyada oo ku haysa i maqal isla markaana doneysa in ay hadalkeeda dhameystirto ayaa waxa uu furay albaabka guriga waa tan Maymuun oo soo carareysa ilinatna sida biyo buur ka soo daadanaya oo kale uga shubmeysa waxa ayna ayna indhaheeda la guudeeteen oohintii ..
Waxa ayna la soo booday eedo waxa aad sameyn laheyd waad sameeysay bes jooji wax ayna jilbaha qabsatay maahir oo ay ku tiri waan ku baryaa iyada oo gacmihiisa shumineysa marna cagaha qabsaneysa ayay tiri waan ku baryaa waxaan kaa shuminayaa cagahaada aqbal warka hooyadaa hana ka careysiin maahir qalbi waa ku jeclahay .
Waa tan illin ka kulul tii Maymuun oo daanka Maahir buuxisay waxa uuna qabtay gacamaheeda oo kor ayuu usoo is daajiyay waa uuna dhunkaday wxa uuna yiri Maymuun Maymuun la `antaada ma noolaan karo , aduunyada adiga ayaa ii ifiyay mana laga yaabo in aan naag kale guursado waana wada joogeynaa weligeyn.
Maahir hooyadii waa tan iyada oo yaaban afka gacanta saaratay halka Maymuun ay jilbaha haysato maahir oo ay ku leedahay guurso warka hooyadaa yeel haka careysiin .
Maxaa dhacay intaas ka dib la soco qeybta 3-aad oo isha ku haay saacadaha socdo shabakada Alcarabiya , ka dhigo alcarabiya wehelkaada koowaad.
Cisman Fantastic
ossmanfantastic@hotmail.com