Waan Idin Salamaaya Marka Hore Dhamaan Madaxda Iyo Shaqaalaha Shabakadda Alcarabiya.com, Gaar ahaan Waxaan Si Qaas ah u Salamaya Talaceliye Xaaji Tahriib, Magacayga Waa nuune maxamed, aad ayaana Idinkaga Mahad celinaya Sida Wacan ee aad Bulshada ugu Adeegtaan.
Hadaba aniga oo abaaraya Qoraalka Ujeedkeyga oo ah, Waxan Rabaa in Tala Layga Siiya Waxaan ahay 30 Jir Qurbaha Wax Badan Joogay Laakin Dhawaan Dib Dalkii Ugu Soo Laabtay si uu u Guursada, Hayeeshee hal arin ayaa Caqabad igu Noqotay, taasoo ah Gabar ayaan is Fahanay oo Guur ku Hishiinay Laakin iyadii Waxa ay i Leedahay Reerkeyga iga Doono oo i Meherso, Shuruuda ay igu Xirtay ayaa ah i Naageysan Meysid ilaa Yurub aad i Geyso ee Xaji Tahriibow adaa aabayaha Tala celintee Isii Talo aan u Riyaaqo.
Talo Celin
Ibraahin Marka Hore Salaanta aad Hawada noosoo Marisay Mid Lamid ah ayaan anagana Kuusoo Gudbineynaa saaxib, Salaan Kadib Dunida aynu joogna wax aan kusoo mareyn Malaha filo waa walbo Cusub oo ku Barya inaad wax Cusub Arki doontid sida Hadaba Kugu Dhacday.
Qofka Markii uu Damac Ka Galo Inuu Guursada Waxaa looga Baahan Yahayn Inuu Wax Sahmiyaa Sababtoo ah waxa uu Cagta Saarayaa Wadadii Mutaqbalka Isaga oo dhidibada u aasaya Hooy Lagu Soo Hirto Marka Qofka Sahankan Galayana waxaa Looga Baahan Yahay inuu Dhagaha Iyo Indhaha Furaa.
Hadaba Talada alcarabiya.com kusiineysa ayaa noqoneysa sida tan Qofka Damaca Guurka Kaa Galay Waxa ay Kugu Xirtay Waa Shuruud , Shuruudaas Waxa ay Kuu Cadeyneysaa In Meesha ku Jirto Dan Gaar ah, Ama in ayba Rabto in ay Jaran Jaro Kaa Dhigato, ilaa ay ka Gaareyso Waxa Qalbigeeda ku jira.
Hadaba Saaxib Ilaah Baa Nin Kaa Dhigay Shuruudaas Haku Raacin, ogowne Qofka maantodan aqal Galin Shuruud Kugu Xirtay Maxaad Beri Ka Filan Kartaa, Jawaabtaasna waa Iska Cadahay, ee Saaxib inta aadan Dheesha Labada Lugood La Gelin Gabadha Wax Kaa Dhaadhici, Waa intaasoo ay Tanaasul Sameysaahee oo aad meel dhexe isugu timaadaanee, Hadii Kale Waqti aadan Waxba Ka Gaarin ayaad Ka shalaayi doontaa.
Taladaas Waxaa Lasiiyay Nuune maxamed oo Fariin Email ah Nooga soo Diray Gudaha Dalka Somaliya.
Tala Celiye:- Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)
Xaajitahriib@hotmail.com
Mob:-+27784293322
Port Elizabeth South Africa
sahra cabdi
December 21, 2012 at 9:11
iyo shabakada alcarabiya dhamantiin hilmaam hadalka kuma jire
sahra cabdi
December 21, 2012 at 9:11
asc alcarabiya shacabka ku tixan in aad ila talisaa waxaan rabaa bada in aan soo galo mar dhaw waxaan joogaa liibiya badana xiligaa waa halis maxaan sameeyaa hadii aan sii joogi lahaana masariifta ayaa iga dhamaaneyso
Prof Jawaari
December 21, 2012 at 9:11
Sxb nuune aniga waxan ku dhihi lahaay naagtas dan ayey kugu wadataa ilen shuruda lagugu xiray ayaa ah shuruud adag hadhow intad shalayn laheed guurkas ha aqbalin ha ogalanin arintaas
Abdi
December 20, 2012 at 9:11
maqaalkaan ciwaankiisa wuxuu iila muuqdaa mid aad ugu gaftay walaalkaa soomaaliyeed. qofka talo haduu ku weeydiistay waa looga jawaabaa lkn wiil guurkiisa cirka lagu gadaamay oo alcarabiya maciin soo baday inaad ciwaaan uga dhigto maqaalka aniga waxeey ila tahay gaf aad u geeysatay waalaalkaa soomaaliyeed lkn talada aad siisay waa talo wanaagsan oon anigaba kula talin lahaa.
esriysyssdhs waxaan kula talinayaa ineey anshaxa saxaafada iyo sharafta muwaadiniinta soomaaliyeed dhowraan